Ku soo dhawoow xarunta luqadda ee ELIT!

Waxaan bixinnaa koorsooyin luqadda Ingiriiska ah oo ay dhigaan macallimiin luqadda u dhashay, si kor loogu qaado horumarinta xirfadaha akhrinta, ku hadalka, dhagaysiga, iyo qoraalka luqadda Ingiriiska. Xaruntu waxay ku taallaa Kuala Lumpur, Malaysia, waxayna soo dhawaynaysaa dhamaan ardada ka kala timid dalalka kala duwan ee dunida.

Xarunta luqadda ee ELIT waxaa si buuxda u leh una maamula shirkadda CRWMC Language Centre Sdn Bhd.

MAXAAD KA TAQAANNAA ELIT

ELIT waa iskuul lagu barto luqadda ingiriiska oo ku yaalla ka soo horjeedka KLCC Convention Centre ee Magaalada Kuala Lumpur. Ujeedadiisuna waa inuu bixiyo koorsooyinka luqadda ingiriiska kuwooda ugu tayada badan, iyadoo loogu tala galay qof kasta oo doonaya inuu jaamacad galo amaba hormariyo xirfadiisa luqadda ingiriiska ah.

Dhamaan koorsooyinka ka baxa ELIT waxaa dhiga macallimiin luqadda u dhashay. Maaddo kasta waxaa xoogga la saaraa ardayga, taas oo u suurtagalinaysa ardayga in uu si fudud u qaato heerarka kala duwan ee luqadda, islamarkaasna hormariyo dhamaan xirfadaha luqadda ingiriiska ee kala ah, akhriska, garaamarka, ku hadalka, dhagaysiga, iyo qoraalka luqadda intaba.

ELIT waxay sidoo kale xiriir wada shaqayn ah la leedahay jaamacado ku yaalla wadankan Malaysia iyo kuwo caalami ah oo ku yaalla New Zealand, Australia iyo Maraykanka

ELIT waxay ogolaansho buuxa ka haysataa wasaaradda waxbarashada ee Malaysia.


HABKA LACAG BIXINTA IYO SOO SAARIDDA VIISAHA
Koorsooyinka DEG DEGGA AH (RM) Koorsooyinka GUUD (RM)
Lacagta isdiiwaan galinta RM500 RM500
Lacagta Buugaagta (shanta bilood oo ugu horraysa) RM400 RM300
Lacagta imtixaanka qiimaynta ah RM100 RM100
Lacagta vise soo saaridda RM1500 RM1500
Lacagta koorsooyinka Ingiriiska (shan bilood) RM10800 RM6800
Wadar guud RM13300 RM9200
Koorsada Deg degga ah 5 saacadood maalintii
Koorsada guud 3 saacadood maalintii
   
 Ko*Fadlan Ogow: dhamaan kharashka viisooyinka gaarka ah waxaa bixinaya ardayga    
 Marka aad viisaha dalbanaysid, waa inaad keentaa:
3 koobi oo passport-ka ah – bogogga oo dhan
10 sawir oo teesare ah (haafka ah)
3 koobi oo shahaadada dugsiga sare ah.

Xeerarka socdaalka (Immigration-ka) ee looga baahanyahay ardada ajnabiga ah ee codsanaya dal-kugal (Visa) si ay wax uga bartaan Malaysia.

Fadlan ogow in dhamaan aradada ajnabiga ah ee raba inay codsadaan dal-kugal (Vise) si ay wax uga bartaan Malaysia in looga baahanyahay inay haystaan waraaq ogolaansho ah oo ay soo saareen Laanta socdaalka ee Malaysia inta aysan imaan dalkaan Malaysia. Waraaqdaan ogolaanshaha ah waxaa laga codsan karaa xarunta luqaddda ELIT iyadoo la isticmaalayo online-ka website-ka eELIT

Markii aad ka soo dagtid gagida diyaaradaha ee Malaysia, waxaad tustaa immigrationka waraaqda ogolaanshaha ah, waxaana kuugu imaanayaa halkaas qof ka socda xarunta luqadda ELIT.

Halkan waxaad ka daawan kartaa Video sharraxaya Machadka Luqadda ee ELIT. Gujji Halkaan.